Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo socdaal shaqo ku jooga Dalka Masar ayaa booqday safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku taal Magaalada Qaahira.

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar iyo diblumaasiyiinta ayaa ku soo dhaweeyay Wasiirka xarunta Safaaradda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

“Wasiir ku soo dhawoow gurigaaga, anniga iyo diblumaasiyiintuba waxaan xoogga saarnay xaruntan inay muujiso doorkeedii,iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka labada dal.” ayuu yiri Danjire Ilyaan Sheekh Cumar.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas ayaa boggaadiyay dhankiisa howlaha muuqda ee Safaaradda ay u heyso qaranka, wuxuu sheegay in Safaaradda Qaahira ay tusaale u tahay dib usoo kabashada dalka.

“ Waxaan halkan sheegi kara inan ku arkay Safiir iyo diblumaasiyiin muujiyay doorkoodii, waxaan idin kaga mahadcelinayaa  sida aad u dhowrteen qarankiina dib-u-dhiskiisa iyo hannaanka wanaagsan ee shaqada ay ku socoto ayaan sidoo kale ku boggaadin Safiirka.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

“ Waxaa nasiib ah in loo shaqeeyo Qaranka waa fursad uusan qof walba haleeli karin, dhinaca Wanaagsan fursadaa aan uga faa’iideysano.” ayuu ku daray.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa u jooga Dalka Masar ka qeybgalka shir weynaha 47aad ee Shaqaalaha waddamada Carabta, kaaso sii soconaya tan iyo dabayaaqada toddobaadkan.

Previous Post

Duqa Caasimadda oo Kulan la qaatay Madaxda Dugsiyada Gobolka Banaadir

Next Post

Minister of work visit Somali embassy in Cairo

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar “SAWIRRO”

Minister of work visit Somali embassy in Cairo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In