Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madexweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madexweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay dhismaha Garoonka Cawaale Stadium, Wuxuuna khudbadiisii ku bogaadiyey shaqada wanaagsan oo u qabsoomtay oo lagu dhisay Garoonka, isagoo u mahadceliyey Guddiga dhismaha Garoonka  iyo Cidkasta oo ka qeyb qaadatay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Deni oo ka jawaabaya codsiga Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Stadium, ayaa ballan qaaday in Puntland bixinayso dhammaan daymaha lagu leeyahay Garoonka ee ku baxday dhismihiisa.

Madaxweynaha Bulshada la wadaagay muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leedahay nabada iyo horumarka Gobolka Mudug, isagoo sheegay in soo kabashada Gobolka Mudug ay tahay soo kabashada dalka Soomaaliya, taasi oo ay qeyb ka tahay is-dhexgalka Bulshada iyo nabada kajirta Gobolka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka laga gaaray Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo horumarka, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay mas’uuliyiintii wadajir uga shaqeeyay Amniga ee soo afjaray kooxaha argagixisada ahaa ee Gobolka dhibaatada ku hayey.

Munaasabadda xarig jarka Cawaale Stadium waxaa ka qeybgalay, Xubno ka mid ah Goleyaasha  Puntland, Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mas’uuliyiintan Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, Isimada, kooxaha kubadda cagta ee Gobolka Mudug, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee guud ahaan Bulshada Gobolka Mudug.

Previous Post

Xaruunta Farsamada gacanta Xayle Bariise iyo Jaamacadda SIU oo kala saxiixday heshiis

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan la yeeshay Agaasime ku -xigeenka Madaxa Waaxda xariirka Caalamiga ah ee xisbiga dalkaas “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan la yeeshay Agaasime ku -xigeenka Madaxa Waaxda xariirka Caalamiga ah ee xisbiga dalkaas “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan la yeeshay Agaasime ku -xigeenka Madaxa Waaxda xariirka Caalamiga ah ee xisbiga dalkaas "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In