Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaruunta Farsamada gacanta Xayle Bariise iyo Jaamacadda SIU oo kala saxiixday heshiis

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Xaruunta Farsamada gacanta Xayle Bariise iyo Jaamacadda SIU oo kala saxiixday heshiis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Xaruunta Farsamada gacanta ee Xayle Bariise ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan Tababarida ardayda Kuliyadda Injineerinka la saxiixday Jaamacadda SIU.

Heshiiksa iskaashi ee maanta dhexmaray masuuliyiinta Xaruunta horumarinta Farsamada gacanta ee Xayle Bariise iyo Jaamacada SIU ayaa saldhig u noqon doona Tababarida ardyda kuliyadda Injineerinka si loo dhiso tayo ahaan iyo xirfad ahaan, islamarkaana ay muddo sanad ah fursad u helaan inay baraatiko ku qaataan Xaruunta Xayle Bariise, taas oo muhiim u ah aqoontooda iyo cilmiga Injineerinka oo ay hada qaab Qoraal ahaan u bartaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Munaasabada oo ay ka qeeyb galeen Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Banaadir, rugta ganacsiga iyo aqoonyahano ayaa waxay ka hadleenmuhiimada heshiiskan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay In la horumariyo xirfadaha farsamada gacanta.

Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda SIU Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar, ayaa xusay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay ardayda islamarkaana uu horseedi doono sidii ay u horumarin lahaayeyn xirfadooda taas oo u sahli doonta inay si fudud ku helaan shaqooyin.

Maamulaha Xaruunta horumarinta Farsamada gacanta ee Xayle Bariise Cabdiraxiin Xayle Bariise- ayaa xusay inay ku faraxsanyihiin in xirfada farsamada gacanta loo arko wax muhiim ah oo lagu horumarin karo dalka, wuxuuna dhinaca kale ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii ay ardayda u heli lahaayeyn aqoon tayo leh oo ay ku faaiidi doonaan.

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan Ayaa dhalinyarada kula taliyay inay ka faaiideystaan fursadan oo uu sheegay inay dalka wax badan kusoo kurdhin doonto.

Saxiixa heshiiska kadib Masuuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galay munaasabada ayaa kormeeray qeybaha Kala duwan ee xaruunta farsamada gacanta ee Xayle Bariise iyagoo u kuurgalay qaabka ay waxbarashadu u socoto.

Previous Post

Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Next Post

Madexweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium “SAWIRRO”

Next Post
Madexweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium “SAWIRRO”

Madexweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In