Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Magaalada Dhuusamareeb oo laga daah furay Shirka xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee  Galmudug “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 23, 2021
in Wararka
0
Magaalada Dhuusamareeb oo laga daah furay Shirka xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee  Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah furay Shirka  xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen maamulada degmoyinka uu kashaqeeyo mashruuca hormarineed ee JPLG ayaa kala ah degmooyinka Hobyo,Caabudwaaq, Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Dhuusamareeb waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug, iyadoo ujeedada shirkan lagu sheegay in ay tahay isku xirka degmooyinka Galmudug  ee dhaqala ahaan soo koraya, si dhowaan loo gaaro isku filnaan maamul oo gaarta heerka ugu hooseeya lana xoojiyo la dagaalanka musuqa si kobaca dhaqaale ee lagaaray usii socdo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha guddaha ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xasan Cali “Ahmed Dhere” ayaa furitaanka shirka ka sheegay in Wasaaradd ay dadajinayso dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka dhiman, taa oo meel fiican marayso loona baahanyahay in degmoyinku baahiyahooda lasoo wadaagaan si ay Wasaaradda iyo degmoyinku kaga wadashaqeeyaan xalinta caqabadaha haysta degmooyinka si loo helo dowlad hoose oo hormarsan.

Qaar ka mid ah Guddoomiyasha oo kulankan ka qeyb galay oo,iyana hadalka qaatay ayaa tilmaamey faa’iidada kulankan u leeyahay maamulada kala duwan oo ay xuseen in ay halkan ka yeelan doonaan iskaashi dhameystiran.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ahna kusimaha Madaxwaynaha Cali Daahir Ciid ayaa si rasmi ah u furay shirkan,isagoo bogaadiyay u jeediyay abaabulkan ay sameysay Wasaaradda arrimaha guddaha Galmudug.

Previous Post

Pakistan oo xusul duub ugu jirta sidii caalamku u aqoonsan lahaa Taliban

Next Post

Kulan looga hadlayay ka hortagga xaalufinta Dhuxusha oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay ka hortagga xaalufinta Dhuxusha oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay ka hortagga xaalufinta Dhuxusha oo lagu qabtay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In