Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa dad-weynaha kula hadlaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland, kullanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta deegaanka, madaxda ururrada siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada , iyadoo su’aallo laga waydiiyay wasiirka maamulka deeqaha dalka, horumarinta qorshaha Qaranka iyo xaaladda guud ee Dalka.
Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga
RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...