Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA CABDI MURIIDI DHEERE (AJAKIS)

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA CABDI MURIIDI DHEERE (AJAKIS)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ahaa jilaa, majaajilayste iyo Barnaamij Soosaare qeyb weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo horumarka dalkeenna, isaga oo ummadda Soomaaliyeed u soo gudbin jiray sheekooyin faneed iyo barnaamijyo maandhis iyo madadaalo ah oo ka turjumaya jiheynta iyo wacyigelinta bulshada si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadeenna.

Related posts

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 28, 2026

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

DHAMMAAD

Previous Post

Renown Somali comedian Ajakis dies in Mogadishu today

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey Geerida Cabdi Muriidi Dheere(Ajakis)

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle Iyo Ku-Xigeenkiisa

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey Geerida Cabdi Muriidi Dheere(Ajakis)

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 28, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 28 Luulyo 2026 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaanka Sumadaale

July 28, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe,...

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

July 28, 2026
0

Ceelguula, Mudug – Magaalada Ceelguula ee gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug, iyadoo maamulka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In