Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta kormeer ku tegay Waasaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Maxamuud iyo Wasiir ku-xigeenka Mukhtaar Cali Cusmaan.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda, taas oo ku saabsan shaqada ka socota Wasaaradda isagoo mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Wasiir Farxaan ayaa sheegay in si habsimi leh ay u socdaan nidaamka canshuuraha ee dowlad goboleedka Galmudug, isagoo Madaxweyane ku xigeenka kaga mahadceliyay maamulkii uu dhawaan u magacaabay Caabudwaaq, kaas oo hadda si wanaagsan ula shaqeeya Waasaradda Maaliyadda, wuxuuna intaas raaciyay in Caabudwaaq ay ka mid tahay kastamyada ugu waa wayn ee Galmudug.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Galmudug ayaa sheegay in ay ku guulaysteen bixinta mushaaraadka dhammaan qaybaha kala duwan ee maamulka galmudug, sida mushaaraadkda xildhibaanada kuwa ciidamada iyo shaqaalaha dowlada.

Ugu danbyan madaxwene ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa wasiirka Maaliyadaa iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda ugu mahadceliyay shaqada wanagsan ee ay bulshada u hayaan waxa uuna ku dhiiri galiyey in ay sii laba jibaaran shaqada.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Doxa kula kulmay dhiggiisa Dalka Qatar

Next Post

Cali Shacbaan oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka 11aad

Next Post
Cali Shacbaan oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka 11aad

Cali Shacbaan oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka 11aad

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In