Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo si weyn u durtay warbixin uu soo saaray Machadka Heritage

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 6, 2021
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si qaanuuni ah ugu xilsaarantahay horumarinta iyo maamulka hannaanka Waxbarashada dalka si waafaqsan qodobka 30aad ee dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka, kadib marka ay u kuurgashay warbixinta hayโ€™adda HERITAGE INSTITUTE โ€œThe education we needโ€ย  ay 18ki Agoosto 2021 ka soo saartay hannaanka Waxbarashada dalka Soomaaliya, waxa ayna kalsooni darro ka muujineysaa waxbixintaas, isla markaasina waxa ay lagama maarmaan u aragtaa iney si rasmi ah farta ugu fiiqdo khaladaadka ballaaran ee ka dhex muuqday Warbixinta kalana ah sida soo socota (a) qaabka warbixintaas loo soo diyaariyey; (b) xogta loo adeegsadey diyaarinta Warbixinta, dariiqooyinka loo maray iyo (c) sida loo soo bandhigay intaba. Sidaas darteed, Sida hoos ku xusan, wasaaraddu waxay si rasmi ah halkaan uga naqdineysaa warbixintaas, ayadoo mid-mid u iftiimineysa qeybaha ay saluug santahay.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

(b). Ujeeddooyinka warbixinta:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayadoo maanka ku haysa, in howlkasta oo la qabanayo ay leedahay ujeedooyin iyo himilooyin cad-cad, waxay u aragtaa in warbixinta Hayโ€™adda Heritage Institute aysan laheyn ujeedooyin niyad-sami lagu dhisay, isla markaasna aysan waxtar muuqda u lahayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxayna ahayd in ay warbixintu si cad u sheegto Wasaaradda Waxbarashada waxa ay haysato iyo waxa ka dhimman si loogu dhiso qorsheyaasha wasaaradda.

(t). Sugnaanta warbixinta:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayadoo ixtiraameysa afkaarta, aqoonta iyo maqaamka dhammaan hay’adaha cilmibaarista dunida guud ahaan, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo ay kamid tahay HERITAGE, haddana waxa ay garwaaqsantahay, warbixintu in ay tahay mid aan dul istaageyn waxa kamaqan & waxa laga qabtay waxbarashada, isla markaasna aan talo wax-sixitaan ah oo maangal ah soo bandhigin. Wasaaraddu waxay xaqiijineysaa in aysan jirin cid ama hayโ€™ad ugu timid ama soo weydiisatay xogta rasmiga ah ee waxbarashada dalkaย  kuna saabsan dhinacyada:

1.Manhajka Waxbarashada dalka

2.Tababarada & Horumarinta Macalinka

3.Imtixaanaaadka iyo Qiimeynta

4.Sharciyada iyo Xeerarka Tacliinta dalka

5.Miisaaniyadda iyo maalgelinta Waxbarashada

6.Xog uruurinta (EMIS)

7.Agabka Waxbarashada iyo qorshayaasha hormarineed ee waxbarashada iyo

8.Iskaashiga dowlad-goboleedyada iyo daadejinta adeegayda warbixinta.

Dhammaan dhinacyadaas waxaa laga sameeyey horumar muuqda oo aan daah la saari karin. Balse nasiib darro, warbixintu waxa ay iska garab martay dhammaan horumaradaas, ayagoo mudnaanta siisey meelo kale oo qaarkood aysan munaasib u aheyn in loo hoostago xogta noocaas ah. Wasaaraddu waxay wax lala yaabo u aragtaa in Machadka HERITAGE, aysan haba yaraatee wax xiriir ah la soo sameyn madaxda, howl-wadeenada iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada si loogu biiriyo xogo badan oo waxtar u noqon lahaa waxbarashada dalka iyo tayada warbxinta labaduba.

Warbixintu waxa ay meel-kadhac ku tahay isla markaasna ay dafireysaa dadaalada shariifka ah ee xukumadahii kala dambeeyey ee Soomaaliyeed, waalidiinta iyo dalladaha waxbarashada Soomaaliyeed ay galiyeen waxbarashada dalka. Sidaas darteed, wasaaraddu waxay cadeyneysaa in warbixinta HERITAGE ay tahay mid marin-habaabineysa bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha waxbarashada Soomaaliya.

(j). Nuxurka Warbixinta:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxa ay u aragtaa warbixintaasi in ay tahay mid u adaageysa dano gaar ah, taasoo xambaarsan afkaar aan u qareemeyn horumarinta, Tayeynta iyo kobcinta waxbarashada dalka oo ah mid ka soo kabaneysa burbur muddo rubac-qarni ah lala soo tacaalayey.ย  Sidaas darteed wasaaraddu waxay walaac ka muujineysaa sida qoraallada noocaan ah ay xagal-daacin iyo khal-khal gelin ugu keeni karto dadaalo badan oo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed.

(x). Bogaadin iyo Baaq:

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxay bogaadineysaa dowladda iyo dadka Soomaaliyeed oo ay ugu mudanyihiin waalidiinta Soomaaliyeed iyo dalladaha waxbarashada oo door shariif ah iyo dadaal mug leh galiyey waxbarashada. Sidoo kale; wasaaraddu waxay bogaadineysaa saaxiibada & dowladaha daneeya horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

(kh). Gunaanad:

Wasaaradd Waxbarashada Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa dhammaan cidkasta oo daneysa in ay xog-baaris ka sameyso hannaanka waxbarashada dalka, waxa ayna ugu baaqeysaa naadiyada qalinleeyda iyo cilmibaarista in ay si madax-banaan warbixino uga sameeyaan waxbarashada Soomaaliya. Wasaaraddu waxay balanqaadeysaa in ay siineyso gacan kasta oo ay uga baahdaan, waxa ayna la soo xiriir karaan Wasaaradda waxbarashada, gaar ahaan xafiisyada qaabilsan howlahaas.

Lifaaqa Hoose ka Akhriso warbixintaย 

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho โ€œSAWIRROโ€.

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In