Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
9 months ago
in Wararka
0
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 71-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo ku beegan 12-ka Oktoobar.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay in maalintan ay leedahay qiime taariikhi ah oo aad u weyn, maadaama ay ina xasuusinayso maalintii ugu horreysay ee la taagay calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasoo astaan u noqotay xorriyadda, mideynta iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in calanka buluuga ah uu xambaarsan yahay taariikhda halganka dheer ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xornimada iyo madaxbannaanida, isagoo tilmaamay in dhiig iyo dadaal badan lagu bixiyay difaaca astaamaha qaranimada, gaar ahaan calanka oo ah calaamadda ugu sarreysa ee muujisa midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in waajibaad qaran ay tahay in la dhowro, la xoojiyo, lana xuso maalinta calanka, maadaama ay dhalinyarada iyo jiilka cusub barayso qiimaha waddaniyadda iyo muhiimadda lagu difaaco midnimada dalka.

“Calankeennu waa astaanta na mideysa, waa hooyga astaamaha qarannimada, waa xusuusta halgankii geesinimada lahaa ee jiilashii hore u soo galeen, sidaas darteed maanta waa maalin aan ku faanno, ku baranno, kuna xoojino midnimadeenna iyo jacaylka aan u qabno Soomaaliya”, ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn , Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa in ay isku duubnaadaan, nabadda iyo wadajirkana ka shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo riyooyinkii iyo himilooyinkii ay calanka u taageen halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Next Post

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Next Post
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In