Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
12 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyada oo kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u direyso Dowladda iyo shacabka walaalaha Qatar, kaddib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo sababay geerida saddex muwaadin oo u dhashay Qadar iyo dhaawaca qaar kale.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda iyo shacabka aannu walaalaha nahay ee Qadar, uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Waxaan alle uga rajeynayaa in uu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiimo degdeg ah siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay sida Soomaaliya ay mar kasta ugu garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qadar, isaga oo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay Qatar ka qaataan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dalkeenna.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Next Post

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

Next Post
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In