Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay xaaladaha abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubbaland, arrimaha ammaanka iyo qodobo kale.

Ugu horrayn Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay xaaladda Nabadgelyada Jubbaland iyo xaaladahii ugu danbeeyay oo ay kamid yihiin howlgallo ay sameeyeen Ciidamada kala duwan ee amniga.

Related posts

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

July 29, 2026

Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixiyay abaaro si xoog leh ugu jira qeybo kamid ah Jubbaland, taas oo saamayn ku yeelatay xoolaha iyo dadweynaha, waxaana intaas dheer xanuuno aan la aqoon oo si ba’an u laynaya xoolaha sida Wasaaradda xanaanada xoolaha ay ku warbixisay.

Dhinaca kale Wasaaradda Cadaaladda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa ka warbixisay shaqooyinka waaxda Cadaaladda iyo sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo hay’adaha Cadaaladda taas oo wax badan laga qabtay sanadahii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Amniga, arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada Maaliyadda, iyo howlaha guud, waxaa uu u xilsaaray inay qiimayn iyo talo bixin kasoo sameeyaan xaaladda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, taas oo la xiriira arimaha amniga, dhaqaalaha, maamulka iyo garoonka diyaaradaha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay Xaalada COVID-19 ee Jubbaland, iyadoo xustay in meelo badan oo kamid ah Jubbaland wali xanuunku uu ka jiro, waxaa kale oo Wasaaraddu ay ka warbixisay Safar wafdi Wasiirka uu hogaaminayo ay ku tageen magaalada Dhoobley, dhina kale Wasiirka ayaa ka mahad celiyay qalab kala duwan oo Hay’adda Carta foundation ay ugu deeqday Wasaaradda, taas oo wax badan ka tari doonta shaqooyinka socda iyo dadaalka Wasaaradda ee dib loogu habaynayo kaabayaasha Caafimaadka, taas oo taageero weyn looga baahan yahay dadka deegaanka ee qurbaha ku maqan.

Ugu danbayntii Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay shir Wasiirka Wasaaradda ay kaga qeybgashay magaalada Muqdisho iyo waxyaabahii kasoo baxay.

Previous Post

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya

Next Post
Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya

Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

July 29, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Kampala si rasmi ah uga furmay shirka taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Republic of Somalia Condemns the Desecration of Al-Aqsa Mosque

July 29, 2026
0

The Federal Republic of Somalia condemns in the strongest possible terms the storming of Al-Aqsa Mosque by an Israeli official...

Wasiirka  Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

July 29, 2026
0

Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In