Laba iyo toban dal oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa warqad ay si wadajir ah ugu direen Guddiga socdaalka reer Yurub, waxay ku codsadeen in waddamada xubnaha ka ah Midawga Yurub ay bixiyaan Lacago si loo dhiso darbi looga hortagayo socdaalka sharci darrada ah ee marba marka ka danbeeysa ku soo qulqulaya waddamada Yurub.
Sida uu sheegay muuqaal baahiyaha Al-Carabiya, Guddigan ayaa markii ay warqadan gaartay si rasmi ah u diiday inay maalgeliyaan dhismaha darbiyo laga dhisaayo xuduudaha ay wadagaan Waddamada reer Yurub.
Wasiirrada socdaalka dalalka Austria, Greece, Hungary iyo Poland, ayaa isku raacay in arrinkan uu yahay tallaabo wax ku ool ah oo lagu ilaalinaayo xuduudaha Midowga Yurub.
Lithuania, oo ka mid ah dalalka saxiixay warqaddan lagu codsanaayo dhismaha darbi looga hortagaya socdaalka sharci darrada ah, ayaa durbaba go’aansaday hirgalinta dhismaha darbi xayndaab ah oo gaaraya 508 KM, kaas oo laga dhisaayo xadka ay la wadaagaan dalka Belarus, si loo joojiyo mowjadaha muhaajiriinta ku qulqulaya bariga Midowga Yurub.