Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntlnad oo kaashanaysa Wasaaradaha Caafimaadka iyo Caddaalada ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey shirka u qareeminda xeerka joojinta Gudniinka Gabdhaha waxyeeleeya.
Waxaana shirka goobjoog ahaa Wasaaradaha Caafimaadka, Caddaalada, Wasiirro hore Guddoomiyaha Haweenka Gobalada Puntland, Ururada Haweenka ee Degmooyinka, Haweenka u qareema joojinta Gudniinka Gabdhaha hal-doorka iyo aqoon-yahanka Puntland khubro kale.
Kulan oo socday muddo labo maalmood ah waxaana ka soo qayb-galay Haween gaarayo 50 Haweenka wax ay kacodsadeen Baarlamaanka Puntland inay ansixiyaan xeerka joojinta Gudniinka Gabdhaha .
Markii uu soo idlaaday kulankaasi ayaa waxaa ka soo baxay baaq ka kooban afar qodob oo ku salaysan inay si aqlabiyad leh u ansixiyaan Golaha Baarlamaanka xeerka joojinta Gudniinka Gabdhaha Puntland Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qosyka Puntlnad oo kaashanaysa Wasaaradaha Caafimaadka iyo Caddaalada