Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 14, 2021
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Gobaleedka Galmudug, kuwaas oo qorshaha fulinta Istaraatiijiyadda Xalka waara kala tashan doona hay’adaha kala duwan ee Galmudug.

Wafdiga ay hoggaaminayso Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Marwo Zahra Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan khuburo iyo saraakiil kale ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta dowlad gobaleedka Galmudug iyo howladeenada Wasaaraddaasi.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025

Ujeeddada wafdigan ay u soo gaareen Gulmudug ayaa ah sidii loo dar-dar galin lahaa fulinta Istaraatiijiyadda xalka waara oo u dub dhaxaadka u ah sidii wax looga qaban lahaa Arrimaha barakaca ee saamaynta adag ku yeeshay bulshada nugul, taasoo sababta Abaaraha, fatahaadda iyo Masiibooyinka dabiiciga ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in maalmahan ay ku sugan yahiin deegaannada Maamulka ay khubarada diiradda saari doonan arrimaha xalka waara ee barakaca, hanaanka loo fulinayo Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka waara.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa tilmaamtay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii loo xoojin lahaa qaab dhismeedka shaqo heer Maamul-goboleed ilaa heer degmo, si loo fuliyo Istaraatiijiyadda Qaranka ee xalka waara,
Galmudug ayaa noqoneysa dowlad goboleedyada labaad ee sidan oo kale Wadatashi lagala leelanayo daadajinta qorshe howleedka fulinta Istaraatiijiyadda xalka waara ee heer Maamul.

Previous Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xariga ka jaray mashruuc laga hirgelinayo Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post

Saraakiil ka tirsan ciidanka Hirshabeelle oo tababar uga furmay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Saraakiil ka tirsan ciidanka Hirshabeelle oo tababar uga furmay Jowhar “SAWIRRO”

Saraakiil ka tirsan ciidanka Hirshabeelle oo tababar uga furmay Jowhar “SAWIRRO”

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo...

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In