Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay dalka Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari oo boolis ah,si ay uga qeybqaataan howlaha AMISOM ee nabad -ilaalinta dalka.
Saraakiisha ayaa dhameystay tababar socday muddo lix bilood ah oo loogu diyaar garoobay in ay ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida ay sheegeen booliska dalkaasi.
Saraakiishu waxay ka shaqeyn doonaan maareynta kala dambeynta dadweynaha, ilaalinta shaqaalaha Midowga Afrika (AU) iyo taageeridda hawlgallada bilayska ee u baahan jawaab celin degdeg ah.
Uganda ayaa billowday inay ciidamo boliis ah keento Soomaaliya bishii July ee sannadkii 2012 -kii kaddib markii 2007 –dii,ay horay u soo dirtay ciidamo ka tirsan kuwa difaaca.