Iskahorimaadyo ay dad ku dhinteen ayaa galinkii danbe ee Khamiistii ka dhacay magaalada Beirut ee xarunta wadanka Lubnaan, waxaana dhacdadaas loo xir-xiray dad gaaraya 19 ruux.
Madaxa Xisbiga Xoogagga Lubnaan, Samir Geagea, ayaa Jimcihii sheegay in qof kasta oo ay ku caddaato mas’uuliyadda wixii ka dhacay dibad -baxayadii Beirut lagu ciqaabi doona.
Waxuu sidokale sheegay in ka hor int aan Rasaasta lagu ridin dadkii mudaaharaadayay weerar lagu qaaday dad ku sugnaa deegaanka Ceeyn Al-Rummaneh, waxana halkaas ku dhaawacmay 4 qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Dhinaca kale, Urur diimeedka Xisbullaah ayaa sheegay in Xisbiga Xoogga Lubnaan ee uu hoggaamiyo Samir Geagea uu mas’uul ka yahay waxii kadhacay Beirut.
Madaxa Golaha Fulinta ee Xisbullaah, Haashim Saafi Al-Diin, ayaa sheegay intii lagu jiray aaska tiro ka mid ah dadkii la dilay Khamiistii, in wixii dhacay ay ahayd mid lagu hurinaayo fidno, taasi oo horseeddi karto dagaal sokeeye oo ka qarxo Lubnaan.
Dhacdadaan ayaa timid ka dib markii Rasaas lala beegsaday mudaaharaadayaal ay soo abaabuleen taageerayaasha Xisbullaah iyo dhaqdhaqaaqa Amal, si ay u cambaareeyaan go’aannada Golaha garsoorka ee ku aadan kiiska Qaraxii dekedda Beirut ka dhacay 4, Bishii Agoosto 2020, kaas oo ay ku dhinteen 217 qof ayna ku dhaawacmeen dad gaaraya 7,000.