Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xisbullaah oo war ka soo saartay iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay Beyruut

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Xisbullaah oo war ka soo saartay iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay Beyruut
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iskahorimaadyo ay dad ku dhinteen ayaa galinkii danbe ee  Khamiistii ka dhacay magaalada  Beirut ee xarunta wadanka Lubnaan, waxaana dhacdadaas loo xir-xiray dad gaaraya 19 ruux.

Madaxa Xisbiga Xoogagga Lubnaan, Samir Geagea, ayaa Jimcihii sheegay in qof kasta oo ay ku caddaato mas’uuliyadda wixii ka dhacay dibad -baxayadii  Beirut lagu ciqaabi doona.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026

Waxuu sidokale sheegay  in ka hor int aan Rasaasta lagu ridin dadkii mudaaharaadayay  weerar  lagu qaaday dad ku sugnaa deegaanka Ceeyn Al-Rummaneh, waxana halkaas ku dhaawacmay 4 qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dhinaca kale, Urur diimeedka Xisbullaah ayaa sheegay in Xisbiga Xoogga Lubnaan ee uu hoggaamiyo Samir Geagea uu mas’uul ka yahay  waxii kadhacay Beirut.

Madaxa Golaha Fulinta ee Xisbullaah, Haashim Saafi Al-Diin, ayaa sheegay  intii lagu jiray aaska tiro ka mid ah dadkii la dilay Khamiistii, in wixii dhacay ay ahayd mid lagu hurinaayo fidno, taasi oo horseeddi karto dagaal sokeeye oo ka qarxo Lubnaan.

Dhacdadaan ayaa timid ka dib markii Rasaas lala beegsaday  mudaaharaadayaal  ay soo abaabuleen taageerayaasha Xisbullaah iyo dhaqdhaqaaqa Amal, si ay u cambaareeyaan go’aannada Golaha garsoorka ee ku aadan kiiska Qaraxii dekedda Beirut ka dhacay  4, Bishii Agoosto 2020, kaas oo ay ku dhinteen 217 qof ayna ku dhaawacmeen dad gaaraya 7,000.

Previous Post

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo toorey lagu dilay

Next Post

Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Next Post
Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In