Kulankaan oo ahaa mid lagu xoojinayo shaqada Ciidamada Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug oo door weyn ka qaatay nabada iyo xasiloonida gobalka isla markaa oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Booliiska Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedyada puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.
Kulanka oo sidoo kale lagu magacaabay hoggaan cusub ee yeelanayaan Ciidamada Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug ayaa ugu horreyn ka hadlay taliyayaasha qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Gashaanle Sare Muumin Cabdi Shire iyo Gashaane dhaxe Qaasim shirdoon Cali kuwaas oo sheegay in Ciidamada Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug loo baahan yahay in la garab istaago,si loo sii xoojiyo amniga Gobalka Mudug.Dhanka kalane dar daaran u jeediyay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka cusub ee loo magacaabay ciidamadaasi Dhame Cabdiwali Yasiin Maxamuud iyo Xidigle Mahdi Maxamed Cabdi (Mahdi dheere)
Dhame Cabdiwali Yasiin Maxamuud Taliyaha cusub ee Ciidamada Xasilinta Booliska Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedyada puntland iyo Galmudug ayaa madasha ka hadlay,isagoo balan qaaday in xoogga saari doonaan xaqiijinta amniga Gobalka.