Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Suudaan kadib markii ciidamada milateriga la wareegeen xukunka dalka.
Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdullaahi Xamduuk iyo dhammaan Mas’uuliyiintii la xiray.
Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa lagu yiri: “waxaan si hoose ula soconaa xaaladda dalka Suudaan, waxaana ku baaqaynaa in la ixtiraamo heshiisyadii hore loo gaalay iyo xuquuqda siyaasiyiinta”.
Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaafsanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala guurka ah ee dalka Suudaan.
Dalka Suudaan waxaa saakay ka dhacay Afeganbi xilka looga tuuray xukuumadii rayidka, waxaana la xiray Ra’iisul Wasaarihii dalka iyo dhowr Wasiiro ah.