Wararka aan ka heleyno koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo horjoogayaal ay ku jiraan ay ku geeriyoodeen Gaari walxaha qarxa ay ku diyaarinayeen oo ku qaraxay duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in qaraxaas oo ahaa mid culus oo argagixisadu ay u diyaarisay inay ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool uu iyaga ku qarxay khasaare lixaad lehna uu ka soo gaaray maleeshiyadii falkaas ku howlaneed.
Dhaawacyo tiro badan ayaa la sheegayaa in maleeshiyaadka ay ka qadeen goobtii uu Qaraxa ka dhacay.