Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar u soo xirey cutubyo ka tirsan qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku jiray xerada tababarada Dowlada UK ee Magaalada Baydhabo, waxaana tababarka loo soo xiray ururka 47-aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka.

Munaasanbada xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Siciid Faqi, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isxaaq Cali Subug, Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed  Cabdullaahi Cali Watiin, Taliyaha howlgelinta ciidamada qeybta 60-aad Gaashanle Dhexe Xasan Ibraahim Yarow, Taliyaha tababarada qeybta Gaashaanle Cali Nuur Maxamed Idiris Cali, Taliyaha guudatada 8-aad qeybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Nuur Maddheere, iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

January 7, 2026

Inta ay munaasabadda socotay ayaa waxay ciidamadu goobta ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo dhoololtus Militeri, waxaana qaarkood maanta la guddoonsiiyey bilado ay ku kala guuleysteen dhinacyada shiishka, Aqlaaqda, miino aasidda, miino baaridda iyo habka loo tuuro qoryaha hoobiyaha.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullahi (Ciirow) oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda ayaa ku dheeraadey dardaaran dheer oo uu u jeediyey ciidamada tababarka loo soo xiray, isagoo ku dhiirageliyey iney u istaagaan Difaaca dadka, dalka iyo cirib tirka kooxaha Nabaddiidka ee baneystey dhiiga Wallaalahooda.

Dr Cali Siciid Faqi ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey saraakiisha ciidamada UK ee had iyo jeer tababarka ciidamada qeybta 60-aad iyo macalimiinta dugsiga tababarka ee magaalada Baydhabo.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafey ururkaan 47-aad ee qeybta 60-aad waxaa u socdey tababar ciidan oo dhan walba leh, waxaana ciidamada loo tababarey dhinacyada Shiishka, Miino baarista, Miino’aasidda, hagida iyo tuuridda hoobiyaha iyo sidoo kale casharada kale ee ciidanka la baro.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku baaqay in 16-ka bisha November la bilaabo doorashada Golaha Shacabka

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

January 7, 2026
0

Wariye Cagmadhige oo ka mid ah saxafiyiinta rug-caddaaga ah ee Soomaaliya, ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed kala hadlay istuudiyaha Radio...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 7, 2026
0

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul u cambaareeyay faragelinta Israa’11l ee lagu eedeeyay in ay ku hayso...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

January 7, 2026
0

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In