Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar u soo xirey cutubyo ka tirsan qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku jiray xerada tababarada Dowlada UK ee Magaalada Baydhabo, waxaana tababarka loo soo xiray ururka 47-aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka.

Munaasanbada xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Siciid Faqi, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isxaaq Cali Subug, Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed  Cabdullaahi Cali Watiin, Taliyaha howlgelinta ciidamada qeybta 60-aad Gaashanle Dhexe Xasan Ibraahim Yarow, Taliyaha tababarada qeybta Gaashaanle Cali Nuur Maxamed Idiris Cali, Taliyaha guudatada 8-aad qeybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Nuur Maddheere, iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026

Inta ay munaasabadda socotay ayaa waxay ciidamadu goobta ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo dhoololtus Militeri, waxaana qaarkood maanta la guddoonsiiyey bilado ay ku kala guuleysteen dhinacyada shiishka, Aqlaaqda, miino aasidda, miino baaridda iyo habka loo tuuro qoryaha hoobiyaha.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullahi (Ciirow) oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda ayaa ku dheeraadey dardaaran dheer oo uu u jeediyey ciidamada tababarka loo soo xiray, isagoo ku dhiirageliyey iney u istaagaan Difaaca dadka, dalka iyo cirib tirka kooxaha Nabaddiidka ee baneystey dhiiga Wallaalahooda.

Dr Cali Siciid Faqi ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey saraakiisha ciidamada UK ee had iyo jeer tababarka ciidamada qeybta 60-aad iyo macalimiinta dugsiga tababarka ee magaalada Baydhabo.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafey ururkaan 47-aad ee qeybta 60-aad waxaa u socdey tababar ciidan oo dhan walba leh, waxaana ciidamada loo tababarey dhinacyada Shiishka, Miino baarista, Miino’aasidda, hagida iyo tuuridda hoobiyaha iyo sidoo kale casharada kale ee ciidanka la baro.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku baaqay in 16-ka bisha November la bilaabo doorashada Golaha Shacabka

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In