Wada-tashiga oo socday muddo shan cisho ahaa ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.
Mudane Cabdirashiid Cumar faratoon oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbland oo kulanka ka hadalay waxaa uu sheegay in muddada wadatashiga socday ay ka faa’iideyn qodobbo muhiim ah, sida Xalka Waara loogu heli lahaa dadka ku jiro xeryaha barakacayaasha iyo qaxootiga soo Guruprem-noqday sidoo kalena ay helaan waxyaabaha aas-aasiga u ah sida biyo, goobo caafimaad, waxbarasho iyo dhul iyo guri ay degaan tasoo ka dhigayso in ay la mid noqon karaan dadka kale caadiga ah nolasha ay ku noolyihiin.
Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Jubaland Mudane Cusmaan Xasan Cabdi ayaa yiri “waxaan bogaadinayaa hay’adaha kala duwan ee ka qeygalay wadatashiga ee quseeyso arrinta sida ay u muujiyeen dhabar adeeg iyo talooyinka dhaxal galka ahaa ku biiriyeen qorshe howleedka sanadlaha 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubbalad, tani waxa ay naga caawinaysaa ka maamul ahaan inaa xalka ka gaarno mushkiladahan soo noq-noqday ee IDPs”.
Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa tilmaamtay in watashigan maanta la soo gaba-gabeeyay qorshaha hirgelinta dowlad goboleedka Jubbaland uu la jaanqaadi doono Istaaraajiyadda Qaranka Xalka Waara, iyada oo mashaariicda horumarineed loo sameenayo Maamulka Jubland ee loogu talagalay in xal waara loogu helo barakacayaasha, qaxootiga soo guryo-noqday iyo dadka nugul.
“Ujeeddadu waa inaa qorshaha u sameeyno mudnaansiin kala duwan oo hadba sida ay u kala culus yihiin inaa u qabanno, isagoo kala jaanqaadayo Istaraajiyadda xalka waara iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, marka mudnaan siinno waxaa innoo hirgelayo fulinta Istaraajiyadda qaranka ee xalka waara, iyada oo la fududeynaayo lana dar-dar gelinaayo qorshayaasha oo kor u qaadi doono awoodda iskuwidda ee waxqabadyada xalka waara ku sallaysan isla markaana hay’adaha ku howlgalaan ay tahay” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.
Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank), Iyada oo gebagabadii shirka laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka Jubbaland.