Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

February 12, 2026
Muqdisho, 25 November 2021; Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyadoo kulanku goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos .
Mudane Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”
Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.
Munaasabaddan waxaa kaqayb galay masuuliyiin ka socdey Goleyaasha Dowladda ee Xukuumaadda iyo Baarlamaanka, iyo Howl wadeennada iyo Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Tags: Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay
Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha iyo Taliye xigeenka qeybta Booliska ee Gobolka Cayn.

Next Post

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Next Post
Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

February 12, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo...

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

February 12, 2026
0

Nairobi, Febraayo 12, 2026 — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Nairobi loogu soo gabagabeeyay Shirkii 5aad ee Madasha Dowladda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA), kaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In