Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo dawo gaarsiisay MCH-ka Cadakibir

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo dawo gaarsiisay MCH-ka Cadakibir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isuduwaha caafimaadka degmada Cadaado Cabdi Xasan Cali oo wakiil ka ah wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa maanta MCH-ka magaalada Cadakibir ee gobolka Galgaduud gaarsiiyey dawo loogu talagalay in wax looga qabto baahiyaha caafimaadka ee deegaankaasi ka jiray.

Cabdi Fooljaawe ayaa xusay in qaybaha dawadan ay ka koobantahay lagu saleeyey dalabka ay soo gudbiyeen kooxda caafimaadka ee halkan ka shaqaysa oo xilliyadii dambe ay haysatay  dawo yari.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Xirsi Kaariye  Yarow madaxa MCH-ka Cadakibir ayaa ka mahadceliyey dawada la soo gaarsiiyey, isagoo xusay inay kula tacaalayaan cudurada deegaanka haatan ka jira oo ay ugu horeeyaan shubanka, nafaqadarrida iyo cudurada neef mareenka.

Cumar Dhoore Siyaad oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa sheegay inay dhib wayn ku hayso inaanu deegaanku lahayn adeeg caafimaad oo ku filan iyo inaysan haysan gaari bukaanada daran lagu gaarsiiyo Cadaado, isagoo ka digay in waqtiga abaaraha ay imaan karaan cudurro badan.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Cadakibir Cabdikariin Axmed Dhagataag ayaa isuduwaha caafimaadka degmada Cadaado iyo wasaaradda caafimaadka Galmudugba u jeediyey baaq ku aadan in lagala qayb qaato sidii cadakibir ay u heli lahayd Isbital rasmi ah.

Isuduwaha caafimaadka degmada Cadaado Cabdi Fooljaawe ayaa kormeeray MCH-yada Cadakibir iyo Gidhays, isagoo u kuur galaya sida ay bulshada ugu adeegaan.

Tags: Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo dawo gaarsiisay MCH-ka Cadakibir
Previous Post

Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka

Next Post

Roobab lagu diirsaday oo ka da ay deegaanada xeebaha Gobalka Nugaal Bari iyo Mudug

Next Post
Roobab lagu diirsaday oo ka da ay deegaanada xeebaha Gobalka Nugaal Bari iyo Mudug

Roobab lagu diirsaday oo ka da ay deegaanada xeebaha Gobalka Nugaal Bari iyo Mudug

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In