Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa Agab iskugu jira dhar iyo qalabka waxbarashada gaarsiisay iskuulka dadka maqalka naafada ka ah ee Deaf School Gaalkacyo.
Xili shalay aheyd 3decembar oo la xuso sanadkasto maalinta caalamiga ah ee naafada adduunka ayaa maanta Wasaarada haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo gacan ka helaysa hay’adda UNDP .
Agabkaan oo iskugu jiro dharka Iskuulka Buugaag, ayadoo ay ka saacidi doonto Waxbarshada dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku jira iskuulka maqalka naafada ka ah ay gaarsiiyay iskuulka (Deaf School) Iskuulkaan oo ay wax ka bartaan ku dhawaad 100 arday oo isugu jira kuwo Maqalka naafo ka ah iyo danyar aan awoodin dhaqaalaha Waxbarashada .
Isku duwaha Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug Dr’s Yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali ayaa ugu horreyn sheegtay in ka Wasaarad ahaan ay isku xilqaameen,iyagoo kaashanaya hay’adda UNDP in ay gacan ka geestaan garab istaaga Iskuulka dhagoolayaasha Gaalkacyo maadaama lagu jiro xuska maalinta caalamiga ah ee naafada adduunka .
Maamulka iskuulka dhagoolayaasha gaalkacyo ayaa ka mahadceliyay deeqda lasoo gaarsiiyay iyo garab istaaga mar walba ay ka helaan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug.