Munaasabadaani lagu maamuusaayay maalinta caalamiga ah ee Xaquuqu Insaanka oo ku beegan 10 maanta oo kale ayaa lagu qabtay Magaalada Jowhar.
Madashaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda haweenka iyo Xaquuqul Insaanka dowlad gobaleedka hirshabeele,Waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan hirshabeele iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaaladda jowhar .
Waxaa goobta ugu horreyn ka hadlay qaar kamid ah bulshadii ka soo qeybgashay munaasabadda waxeeyna sharaxeen muhiimada maalinta Xaquuqul Insaanka.
Guddoomiye ku-xigeenka ururka naafadda gobalka shabeelaha dhexe Mudane Isaaq Xaydar Caqiil, iyo guddoomiye ku’xigeenka ururka haweenka gobalka shabeelaha dhexe Marwo ruqiya Cabdulle aya, iyadane dhan keeda ka hadashay munaasabada.
Ugu dambeyntii waxaa khudbooyinki soo gebagebeeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda haweenka,iyo Xaquul Insaanka hirshabeele Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur {BURIS} waxeeyna ka hadashay waxyaabaha caqabadaha ku ah haweenku inay ka qeyb qaataan siyaasada.