Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 12, 2021
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Cusmaan ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dallka Turkiga, waxgaradka, ganacsatada, ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray fursadaha iyo caqabadaha kala duwan ee haysta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025

Kulanka ka dib, safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyay Wasiiru dowlahaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo kulanka xogwareysiga uu la yeeshay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara, wuxuuna sheegay in wasiirka uu dhageystay fikradaha dhaxal galka ah ee loo soo jeediyay.

Wasiiru dowlaaha arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal cusmaan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda kulanka uu ahaa sidii uu wax badan kaga ogaan lahaa xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

“Ujeeddada kulankan aan isugu nimid waxay tahay inaan u kuur galo fursadaha yaala dalka Turkiga ee ay ka faa’ideysan karaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale haddii ay jiraan caqabado ummadda Soomaaliyeed ay dareemayaan oo ku haysato dalka Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Balal cusmaan.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Sahanka Radio Muqdisho.

Next Post

Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar+Sawirro

Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In