Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Cusmaan ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dallka Turkiga, waxgaradka, ganacsatada, ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray fursadaha iyo caqabadaha kala duwan ee haysta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026

Kulanka ka dib, safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyay Wasiiru dowlahaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo kulanka xogwareysiga uu la yeeshay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara, wuxuuna sheegay in wasiirka uu dhageystay fikradaha dhaxal galka ah ee loo soo jeediyay.

Wasiiru dowlaaha arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal cusmaan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda kulanka uu ahaa sidii uu wax badan kaga ogaan lahaa xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

“Ujeeddada kulankan aan isugu nimid waxay tahay inaan u kuur galo fursadaha yaala dalka Turkiga ee ay ka faa’ideysan karaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale haddii ay jiraan caqabado ummadda Soomaaliyeed ay dareemayaan oo ku haysato dalka Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Balal cusmaan.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Sahanka Radio Muqdisho.

Next Post

Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar+Sawirro

Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In