Golaha wasiirada Koofur Galbeed oo maanta kulankooda todobadaalaha ka ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ansixiyay miisaaniyadda maamulkaas ee sanadka 2022 oo gaaraysa $30,000,000 oo dollar taas oo ay soo gudbiysay wasaaradda maaliyadda.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).