Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay wakiilka WFP ee Soomaaliya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay wakiilka WFP ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada shaqayn, gaar ahaan wada shaqaynta hay’adda WFP ee la xiriirta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano),kaa oo sannadkan uu billaabanayo wajiga labaad.Waxaa sidoo kale diirrada la saaray ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.
” Waxaan hoosta ka xariignay sida ay Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay xaqiijinta mashaariicda Dawladda ay leedahay oo Baxnaano ugu horreeyo ee WFP fuliso, heshiis wada shaqayn oo aan wadajir u saxiixnay ayay arrintaa ku caddahay.”ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka ka hadlay, wuxuu inta ku daray “Dadaalka ku aaddan in Dawladda ay fuliso mashaariicda taageerraya bulshada ayaa meel wanaagsan noo maraya, waxaana dhawaan la dhammaystiri doonaa nidaamka diiwaanka bulshada.”

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Wasiirka ayaa sidoo kale WFP uga mahadceliyay shaqooyinka gargaarka ee ay ka qabato Soomaaliya,isagoo markaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha gargaarka inay ballaariyaan ka jawaabida saamaynta abaarta.
Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum, oo dhankiisa warbixin guud ka bixiyay mashaariicda ay hay’addu fulinayso sannadkan ee taageerraya bulshada, ayaa boggaadiyay wada shaqaynta wasaaradda ee WFP.
“Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta. sidoo kale waxaan ka wadahalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.”ayuu yiri wakiilka WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum.

Kulanka ayaa ah midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wakiilka WFP oo la soo magacaabay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2021.

Previous Post

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka

Next Post

Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Next Post
Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In