Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay wakiilka WFP ee Soomaaliya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
January 4, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay wakiilka WFP ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada shaqayn, gaar ahaan wada shaqaynta hay’adda WFP ee la xiriirta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano),kaa oo sannadkan uu billaabanayo wajiga labaad.Waxaa sidoo kale diirrada la saaray ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.
” Waxaan hoosta ka xariignay sida ay Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay xaqiijinta mashaariicda Dawladda ay leedahay oo Baxnaano ugu horreeyo ee WFP fuliso, heshiis wada shaqayn oo aan wadajir u saxiixnay ayay arrintaa ku caddahay.”ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka ka hadlay, wuxuu inta ku daray “Dadaalka ku aaddan in Dawladda ay fuliso mashaariicda taageerraya bulshada ayaa meel wanaagsan noo maraya, waxaana dhawaan la dhammaystiri doonaa nidaamka diiwaanka bulshada.”

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Wasiirka ayaa sidoo kale WFP uga mahadceliyay shaqooyinka gargaarka ee ay ka qabato Soomaaliya,isagoo markaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha gargaarka inay ballaariyaan ka jawaabida saamaynta abaarta.
Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum, oo dhankiisa warbixin guud ka bixiyay mashaariicda ay hay’addu fulinayso sannadkan ee taageerraya bulshada, ayaa boggaadiyay wada shaqaynta wasaaradda ee WFP.
“Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta. sidoo kale waxaan ka wadahalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.”ayuu yiri wakiilka WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum.

Kulanka ayaa ah midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wakiilka WFP oo la soo magacaabay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2021.

Previous Post

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka

Next Post

Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Next Post
Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In