Friday, December 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka Awdheegle oo wajahaya xaalad Beni’aadanimo

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shacabka Awdheegle oo wajahaya xaalad Beni’aadanimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025

Dadka ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose ayaa wajahaya xaalad adag oo biyo la’aan ah, ka dib markii uu guray webiga oo ay inta badan ku tiirsanaayeen shacabka halkaasi ku nool.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle, Saalax Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadku ay haatan isticmaalaan dacda uu midabkeedu is beddelay dabadeedna ay miiraan, wuxuuna maamulka Koofur galbeed ka codsaday in lala soo gaaro biyo, maadaama biyuhu ay muhiim u yihiin nolasha aadanaha.

Xildhibaan , Nuur Siidoow Baabba oo ka mid xildhibaannada kasoo jeeda Awdheegle ayaa sheegay inay halkaasi ka hirgelin doonaan ceel biyood, wuxuuna jaaliyadaha iyo dadka Soomaaliyeed ee uu Alle hantida siiyay faray in ay gacan ka geystaan gurmadka shacabka ku nool Awdheegle.

Mudane, Siidoow ayaa sidoo kale Wasaaradaha ku shaqada leh ee maamulka Koofur galbeed ka codsaday inay nadiifiyaan kana saaraan qashinka halka uu maro Webiga iyagoo ka faa’iideysanaya inta uu biyo la’aanta yahay, si uusan u keenin dhibaatooyin dambe xilliyada uu fataho Webiga Shabeelle.

Previous Post

PM Roble, FMS leaders meets with representatives of the International Community

Next Post

R/W Rooble oo Wakiilada Beesha Caalamka u cadeeyay dardargelinta doorashada “SAWIRRO”

Next Post
R/W Rooble oo Wakiilada Beesha Caalamka u cadeeyay dardargelinta doorashada “SAWIRRO”

R/W Rooble oo Wakiilada Beesha Caalamka u cadeeyay dardargelinta doorashada "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025
0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

December 11, 2025
0

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga...

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

December 11, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In