Madaxtooyada Kazakhistaan ayaa maanta oo Arbaca ah, ku dhawaaqday in Xukuumadda ay istiqaalo u gudbisay Madaxweyne dalka Kassym Gumrat Tokayev, si loo qaboojiyo dibadbaxayada looga soo horjeeda sare u kaca ku yimid qiimaha adeegyada dowladda.
Madaxtooyada Kazkhistaan ayaa baraha bulshada ee ay adeegsato ku daabacday digreeto Madaxweyne, taasoo lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu aqbalay is casilaadda ay soo gudbiyeen Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Askar Mamin.
Ali Khan Ismailov oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Kazkhistaan ayuu Madaxweynaha faray inuu sii wado howlaha Xukuumadda inta laga soo dhisayo Xukuumad cusub, sidokale wareegtada ayaa intaa ku dartay in xubnaha dowladda ay sii wadi doonaan shaqada inta laga ansixinayo dhismaha xukuumadda cusub.
Madaxweynaha Kazakhstan ayaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ku amray inuu xakamayo qiimaha shidaalka iyo badeecadaha aasaasiga ah, wuxuuna sheegay in xukuumadda xilka ka tagtay ay mas’uul ka tahay xiisadda dalka ka jirta, ayna ka gaabisay ka hortaga sicir bararka adeegyada Dowladda.