Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi ka kooban Sideed Xubnood

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi ka kooban Sideed Xubnood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulkaas u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeya Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka.

Guddigan oo ka kooban Sideed xubnood oo kala ah wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, waxaana guddoomiye ku xigeen looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Xabad joojin hor dhac ah oo garwadeen uu yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka dhaqan gashay deegaanka Saax-Meygaag oo maalmihii lasoo dhaafay ay aad ugu dagaalameen maleeshaad ka soo kala jeeda beelo wada dega gobollada Sool iyo Nugaal.

Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah.

  1. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Gudoomiye
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomiye ku xigeen
  3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ,Xoghayn
  4. Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland.
  5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, Wasiir u dowlaha wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada
  6. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad
  7. Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliayaha Ciidanka Daraawiishta Puntland
  8. Gen. Maxamed Cali Xaashi ,Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
Previous Post

Shirka wadatashiga Qaran oo Maalintiis 5-aad galay

Next Post

Abaar ka jirta deegaanka Kayn oo hoos yimaada Caddaado

Next Post
Abaar ka jirta deegaanka Kayn oo hoos yimaada Caddaado

Abaar ka jirta deegaanka Kayn oo hoos yimaada Caddaado

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In