Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay xallinta caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay xallinta caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan, iyada oo ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimi iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Telefonka kula hadlay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In