Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Warka ugu Weyn

Waa sidee xaaladda caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu?

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Warka ugu Weyn
0
Waa sidee xaaladda caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa aad u wanaagsan xaalada caafimaad ee afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax ay argagixisada Al-Shabaab u soo maleegeen, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Liibaan Cabdi Cali ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dhaawaca Macalumuu uu yahay mid ka fudud sidii ay wax u dhaceen, isla markaana uu jiro jab ka soo gaaray lug iyo dhaawacyo kale oo fudud, sida uu sheegay Agaasime Libaaan.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Dhaawaca Afhayenka ayaa loo qaadayaa caafimaad dibada ah, gaar ahaan dalka Turkiga, siday ay noo sheegeen xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay afhayeenka ku booqday isbitaalka, isagoo u kuur-galay xaaladiisa caafimaad, sidoo kalena warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta dabiibeysa dhaawaca Afhayeenka.

Isbitaalka Digfeer ee caasimada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa Macalimuu, qaraxaan ayaa ahaa mid kaligiis loo soo qorsheeyey, waxuu ahaa kii shanaad oo Macalimuu uu la kulmay shantii sano ee u dambeysay.

Qaarkood Alle ayaa ka badbaadiyey, halka qaarna ay ka soo gaareen dhaawacyo isugu jiray ku fudud iyo kuwo culus, qaraxii shalay waxaa ku dhintay qofkii nafiisa haligay oo kaliya.

Previous Post

Sawirro: RW Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawaca Afhayeenka XFS Macalimuu

Next Post

Jubbaland oo soo saartay liiska kuraas hor leh

Next Post
Jubbaland oo soo saartay liiska kuraas hor leh

Jubbaland oo soo saartay liiska kuraas hor leh

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In