Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho doorashada toddoba xildhibaan oo maamulka Soomaaliland ku mateli doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.
Nuuriya Aadan Ciise ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#212 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Muqdisho.
Cabdullaahi Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#264 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#207 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Faadumo Ismaciil Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#242.ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Nuuradiin Cabdullaahi Colujoog ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246.ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Caydaruus Saalax Yuusuf. ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246.ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Sahra Yuusuf Cige ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#258 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Kuraasta Xildhibaannada Aqalka hoose ee maamulka Soomaaliland oo ka kooban 46 ayaa waxaa ka harsan oo keliya saddex mudane , kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabto magaalada Muqdisho.