Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka Galmudug ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay Hop#147 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada dhuusamareeb.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Abuukar ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay HOP#055 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada dhuusamareeb.
Xildhibaan, Cumar Cali Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay HOP#035 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay magaalada dhuusamareeb.