Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka Shiinaha oo ka qaadan karo joojinta colaadda Ukraine

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Doorka Shiinaha oo ka qaadan karo joojinta colaadda Ukraine
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhigiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah ka yeeshay xaaladda dagaalka saameeyay dalka dhaca Yurubta bari ee Ukraine.

Wang ayaa u sheegay Kuleba sida ay ugu xun yihiin dagaalka ka socda dalkiisa isagoo u muujiyay sida ay ula dareemayaan dhibaatada heysata shacabka dalka Ukraine, sida ay tabisay wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa warbaahinta dowladda Shiinaha.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Wada hadalkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo labadan mas’uul yeeshaan tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine sideed maalmood ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Dmytro Kuleba ayaa Shiinaha ka codsaday in ay Moscow ku cadaadiyaan sidii ay u joojin laheyd dagaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Mr Wang waxaa uu xusay in ay sameyn doonaan wixii karaankooda ah oo lagu joojin karo dagaalka lagu hoobtay ee Ukraine ka socda.

Todobaadkii hore Shiinaha ayaa ka aamusay codeynta qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir diblomaasiyadeed oo aad u sareeya, labadan dal waxay si weyn uga soo hor jeedaan siyaasadda dalalka reer galbeedka oo Mareykanka horumuud u yahay.

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose

Next Post

Wasiirka amniga oo shir kaga qeybgalay Tunisa +Sawirro

Next Post
Wasiirka amniga oo shir kaga qeybgalay Tunisa +Sawirro

Wasiirka amniga oo shir kaga qeybgalay Tunisa +Sawirro

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In