Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga qiimeynta xaaladda Garbahaarey oo war ka soo saaray kulamadii Kismaayo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Guddiga qiimeynta xaaladda Garbahaarey oo war ka soo saaray kulamadii Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Raโ€™iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen masโ€™uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaarreey.

Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii oo ay gaareen magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiintaiyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga oo uu hoggaaminayo la taliyaha dhinaca sharciga ee Raโ€™iisul Wasaaraha Avv.Cumar Maxamed Cabdulle ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa la filayaa in ay ku soo noqdaan Muqdisho, si ay warbixinta socdaalkooda ula wadaagaan Raโ€™iisul Wasaaraha dalka, waxaana qorshuhu yahay in ay sidoo kale tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto Garbahaarreey.

Previous Post

Xubno ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo Beledweyne lagu toogtay

Next Post

Guddiga doorashada Galmudug oo shaaciyay Xubnaha xulista Ergada Doorashada shan kursi

Next Post
Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay Jadwalka doorashada Saddex kursi

Guddiga doorashada Galmudug oo shaaciyay Xubnaha xulista Ergada Doorashada shan kursi

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In