Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Cismaan Ciid Maxamed oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka 11-aad ee Dalka oo dhawaan lagu soo doortey magaalada Baydhabo ayaa xusay in xaalado beni’aadanimo ay ka jiraan qeybo ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, loona baahanyahay in bulshada reer Koonfur Galbeed ay gurmad dhinac waliba ah u gaarsiin lahaayeen qoysaska abaartu halakeeysay, isagoo dhanka kale u mahadceliyey Dhamaan ergadii soo dooratey iyo cidkasta oo ku garab istaagtay inuu xilkan uu ugu matalo Dadkiisa iyo dalkaba.

Mudne Cismaan Ciid oo wareysi gaar ah siyay Radio Muqdisho ayaa sheegey in waxyaabaha ugu muhimsan ee ka Xildhibaannimo ahaan uu ka shaqeyn doono sidii dadka deegaanka u ku matalo ay u heli lahaayeen adeegyada aas aasiga u ah nolosha, uuna gacan ka geysan doono sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

“Si gaar ah waxaan hadda xoogga u saari doonaaa sidii gurmad ku filan ay u heli lahaayeen dadka abaarta ay ku saameysey qeybo kamid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, taaa oo hadda meesha ugu daran ee u baahan waxqabad dhab ah, anigoo la kaashan doona cidkasta oo arrinta gurmadka kaalin ka qaadan karta”. Ayuu yiri Xildhibaan Cismaan.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cismaan ayaa ugu baaqay bulshada reer Koonfur Galbeed iyo siyaasinta iney ka wada shaqeeyaan xaqiijinta Nabadgelyada iyo horumarka deegaanka, isla markaana siwada jir ah looga hortago cidkasta oo qal qal amni darro abuureysa.

Previous Post

Agaasime Axmed “Gurmadka meelkasta waan gaarsiineynaa”

Next Post

Doorashada 5-kursi oo maanta ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.

Next Post
Doorashada 5-kursi  oo maanta ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.

Doorashada 5-kursi oo maanta ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In