Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Cismaan Ciid Maxamed oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka 11-aad ee Dalka oo dhawaan lagu soo doortey magaalada Baydhabo ayaa xusay in xaalado beni’aadanimo ay ka jiraan qeybo ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, loona baahanyahay in bulshada reer Koonfur Galbeed ay gurmad dhinac waliba ah u gaarsiin lahaayeen qoysaska abaartu halakeeysay, isagoo dhanka kale u mahadceliyey Dhamaan ergadii soo dooratey iyo cidkasta oo ku garab istaagtay inuu xilkan uu ugu matalo Dadkiisa iyo dalkaba.

Mudne Cismaan Ciid oo wareysi gaar ah siyay Radio Muqdisho ayaa sheegey in waxyaabaha ugu muhimsan ee ka Xildhibaannimo ahaan uu ka shaqeyn doono sidii dadka deegaanka u ku matalo ay u heli lahaayeen adeegyada aas aasiga u ah nolosha, uuna gacan ka geysan doono sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

August 6, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

August 6, 2026

“Si gaar ah waxaan hadda xoogga u saari doonaaa sidii gurmad ku filan ay u heli lahaayeen dadka abaarta ay ku saameysey qeybo kamid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, taaa oo hadda meesha ugu daran ee u baahan waxqabad dhab ah, anigoo la kaashan doona cidkasta oo arrinta gurmadka kaalin ka qaadan karta”. Ayuu yiri Xildhibaan Cismaan.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cismaan ayaa ugu baaqay bulshada reer Koonfur Galbeed iyo siyaasinta iney ka wada shaqeeyaan xaqiijinta Nabadgelyada iyo horumarka deegaanka, isla markaana siwada jir ah looga hortago cidkasta oo qal qal amni darro abuureysa.

Previous Post

Agaasime Axmed “Gurmadka meelkasta waan gaarsiineynaa”

Next Post

Doorashada 5-kursi oo maanta ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.

Next Post
Doorashada 5-kursi  oo maanta ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.

Doorashada 5-kursi oo maanta ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

August 6, 2026
0

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odawaa, ayaa hoggaaminayay wafdi ka koobnaa diblomaasiyiin ka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

August 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Golaha Wasiirradao oo ka hadlay geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad

Golaha Wasiirradao oo ka hadlay geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar...

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

August 5, 2026
0

Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey. Akhriso bayaanka 

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In