Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera ayaa kala hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ka dib falalkii argagixiso ee shalay oo ah kuwo lagu carqaladeynayo doorashada dalka.
Raโiisul Wasaare Rooble ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo sugidda amniga goobaha doorashooyinka si loo dhameystiro Xildhibaannada haray.