Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxii Beledweyne iyo weerarkii lala beegsaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Golaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay falalkaasi wuxuushnimada ah ee ay geysteen kooxo nabad-diid ah oo aan u tureyn dadka iyo dalka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ay ku baaqeen in caddaaladda la horkeeno dembiilayaasha ka dambeeyay abaabulka weeraradaasi bahalnimada ahaa.