Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb Vs Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taabagelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay Dhuusamareeb, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka ka reebeen dhigooda Dhuusamareeb, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen aqoonta ay ku tartameen.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka C/casiis iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Previous Post

Ciidanka Ammaanka Jubbaland oo fashiliyay miino gaari lagu rakibay

Next Post

RW Rooble oo guddiga doorashada FIET ka saaray laba xubnood, digniina soo saaray

Next Post

RW Rooble oo guddiga doorashada FIET ka saaray laba xubnood, digniina soo saaray

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In