Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 13-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Buula-burte iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Nugaal,  waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya

Tartameyaasha labada degmo ee Buula-burte iyo Garoowe ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

Buula-burte

Tartameyaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Garoowe.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buula-burte ay heleen waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood oo kaliya.

Garoowe

Tartamayaasha Degmada Garoowe ee Gobolka Nigaal waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Garoowe,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garoowe waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 13-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 14-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Xudur iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

R/W Rooble oo u Hambalyeeyey Guddoonka KMG ee ay doorteen Xildhibaannada Labada aqal

Next Post

Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Next Post
Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In