Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 15, 2022
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 13-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Buula-burte iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Nugaal,  waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya

Tartameyaasha labada degmo ee Buula-burte iyo Garoowe ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Buula-burte

Tartameyaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Garoowe.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buula-burte ay heleen waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood oo kaliya.

Garoowe

Tartamayaasha Degmada Garoowe ee Gobolka Nigaal waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Garoowe,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garoowe waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 13-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 14-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Xudur iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

R/W Rooble oo u Hambalyeeyey Guddoonka KMG ee ay doorteen Xildhibaannada Labada aqal

Next Post

Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Next Post
Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In