Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Eyl iyo wararkii ugu danbeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxaa ka taagnaa 48dii saac ee ugu danbaysay Xiisad ka dhalatay Doorashada Guddoomiyaha Dagmadaasi oo ay soo dooran lahaayeen Gole deegaan oo ay dadku codkooda ku soo doorteen.

Koox dabley hubaysan ah ayaana qabsatay Goobtii loo Balan sanaa in ay Doorashada Guddoomiyaha dagmadu ka dhacdo kuwaasi oo garab u ahaa labada musharax ee u taagan jagada Guddoomiyaha dagmada Eyl ee Gobalka Nugaal kuwaasi oo xisbi ahaan ka wada tirsan Xisbiga dowlada ee KAAH.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

Wax garadka dagmada, Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha Guddaha Puntland, iyo Guddoomiyaha Gobalka Nugaal oo isna gaaray dagmadaasi ayaa bilaabay dadaalo arrintan xal looga gaarayo doorashaduna ay ugu dhici lahayd si wada jir ah.

Kulamo kala duwan oo ay la qaateen mas’uuliyiintan ka tirsan Dowladda, labada Musharax ee tartamaya iyo wax garadka dagmada Eyl oo wada jira ayaa galinkii danbe ee xalay isla qaatay in Ciidamada laga qaado Goobta doorashada is faham waaga jirana xal loogaga gaaro.

Lama cadayn waqtiga doorashada maadaama waqtigii hore ee jadwalkeedu ahaa khamiistii ayna dib u dhac ku keentay shaqaaqada ka dhacday dagmadaasi.

Eyl waxa ay ka mid ahayd sadexdi dagmo ee ugu horaysay ee ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ahi taasi oo ay bulshadu ku soo dooranayren xildhibaaanada Golaha deegaanka ee Dagmooyinkaasi.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

Next Post
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In