Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 18, 2022
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 17-aad ee wareegga 2aad ku tartamay degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda iyo Deyniile  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Deyniile.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Deyniile

Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Deyniile,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Deyniile waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 17-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 17-aad ee tartanka, kulankiisa 18-aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Wadajir iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada labada Aqal oo kulan wadajir ah yeelanayo Maanta

Next Post
Xildhibaannada labada Aqal oo kulan wadajir ah yeelanayo Maanta

Xildhibaannada labada Aqal oo kulan wadajir ah yeelanayo Maanta

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In