Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo kaalmo siiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo kaalmo siiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa maanta soo gabagabeysay deeq caawimaad ah oo maalmahaan la gaarsiiyay qoysaska danyarta ah ee Masar ku Nool.

Deeqdaan oo ahayd midii ugu horeysay ee Safaaradda ay bixiso ayaa waxa looga faa’iideeyay 1,100 qoys oo danyar ah, kuwaas oo dagan xaafadaha Nasri City, Ardi Luuba iyo 6 October.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026

Qoysaska ka faa’ideystay deeqdaan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin caawimaadda uu Safiirka soo gaarsiiyay ee loo sameeyay, iyagoo u mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay fududeynta iyo bixinta deeqdaan.

Sidoo kale Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Imaamka Al Azhar Al Sheikh Dr:Ahmad al Tayyib, Bankiga Cuntadda Masar iyo dowaldda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar ku nool.

Deeqdaan oo isugu jirtay Raashin iyo mid lacageed ayaa loogu talagalay in lagu afuriyo Qoysaska danyarta ah ee ku nool Qaahira, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Previous Post

Sawirro: Guddiga doorashada ee FEIT oo shahaadooyinka xubinimo ee BF gudoonsiiyay afar Xildhibaan

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In