Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga 3aad iyo Isku aadka wareegga 3aad oo la shaaciyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga 3aad iyo Isku aadka wareegga 3aad oo la shaaciyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 23-aad ee wareegga 2aad ku tartamay degmooyinka Gaalkacyo iyo Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Howlwadaag  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal,  Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Ma jirin dhankooda iyana wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 23-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 22-aad ee tartanka, waxaa jiri doonta labo kulan, kulankiisa 24-aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Kismaayo iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, halka Kulanka 25aad ay fooda is dari doonaan degmooyinka Wadajir iyo Marko oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Intaas kadib Guddoomiyaha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa akhriyay isku aadka wareegga 3aad ee tartanka oo ay  u soo gudbeen afar degmo, kuwaasi oo ku cad sida shaxda hoose ku qoran.

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Daawo: Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Next Post
Daawo: Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Daawo: Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In