Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 25-aad ee wareegga 3aad ku tartamay degmooyinka Marko iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Marko iyo Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Marko
Tartameyaasha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Wadajir, sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Marko ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.
Wadajir
Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay Afar (4) dhibcood.
Hadaba kulankii 25-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudubtay tartamayaasha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 24-aad ee tartanka, kulankiisa 26-aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir.
Sawir qaade:- Sakariye Shiddo