Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa kormeer ku tegay Xarunta Teendhada Afisiyoone oo beri 26-ka bishan ay ka dhacayso Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Xubnaha Gudidda ayaa kormeerkooda la xiriiray xaqiijinta u diyaar-garowga howsha baaxadda leh ee gudo-galka Doorashada Guddoonka aqalka sare.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Aaadan Cabdinaasir Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in doorashada beri lagu qaban doono hoolka Afisiyoone ee magaalada Muqdisho.
Doorashada beri ayaa waxaa lagu wadaa in Senetarada Aqalka Sare ay ku soo dooran doonaan Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenadiisa.